Taliyaha Booliska oo sheegay in lasoo qabtay Afar qof oo ku eedeysan dilka Gabadhii Ardayada aheyd

Date:

Muqdisho (SNTV)- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay Ciidamada ammaanka in gacanta ay kusoo dhigeen Afar qof oo u eedeysan dilka Deeqo Daahir Cali oo aheyd Ardayad sagaalsano jir ah, islamarkaana dhiganeysay Iskuulka Hoyga Xamar ee magaaladda Muqdisho.

Taliyaha ayaa tilmaamay in shaqsiyaadkaan ku eedeysan dilka Deeqo baaris lagu sameynayo si Maxkamad loo soo taago, lagana abaal marin doono dambiga ay geeysteen, isaggoo carabaabay in marnaba aysan oggolaan doonin in lagu xad gudbo Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha Ciidanka Booliska, ayaa sidoo kale sheegay inay dhammaatay in shacabka la dilo, lagana cararo, waxaana uu xusay in dhowaan Maxkamadda ay ku hubsan doonaan eedeesanayaashan.

“Shalay maanta maahan, Waxbaan dilayaa waan cararayaa ma soconeyso, waxaan soo qabanay Afar qof oo ku eedeysan dambigaasi, waxaana dooneynaa in aan maxkamad hortaagno, marnaba uma dulqaadaneyno in qori lagu gaday canshuurta Shacabka lagu laayo Ummadda Soomaaliyeed, Insha allah kuwii falkaan geeystay waa laga jeeseynayaa  dambiga ay galeyn” ayuu yiri Gen. Bashiir

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...