Shir looga hadlayay tayo dhowrka kalluunka Soomaaliya laga dhoofiyo oo Muqdisho ka dhacay

Date:

Muqdisho (SNTV)- Shirkan oo looga hadlayay tayada qeyraadka badda sida Kalluunka,loona iibgeeyo caalamka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,kaasi oo ay ka qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya,shirkadah kalluunka ee dalka iyo madaxda shirkadda SGS oo ah shirkadda caalamiga ah ee bixisa shahaadooyinka sahlaya in kaluunka o tayaysan loogu iibgeyn karto caalamka intiisa kale iyo madaxda barnaamijka Gee loo ah isku xirka arrimahani.

Abdi Cali Gabeyre oo ah guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo kahadlay kulankaasi oo la isku dhafasaday afkaar ku aadan tayada kaluunka Soomaaliya ayaa faah faahiyay ahmiyadda ay arrintaasi leedahay.

“Waan u mahadcelinayna dadkii ka soo shaqeeyey qorshahan oo ah mid aad u muhiimsan,waxayna naga caawinayaan Geel iyo SGS dhinacyada Beeraha,xoolaha Khyaraadka badda,hadda waxyaabah ugu sahlan Soomaaliya waa ka ganacsiga Kalluunka,marka waa muhiim tayo dhowrka kaluunka si loogu iibgeeyo wadamada caalamka maadaama aqoonsi ahaan aad baahi loogu qabay”. Ayuu yiri Gabeyre.

Alberto stockel oo ah mas’uul sare oo ka socday shirkadda Caalamiga SGS oo bixisa aqoonsiga tayo dhowrka kaluunka ayaa dhankiisa ka hadlay hadafka ay ka leeyihiin shirkan,waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in Soomaaliya ay ka caawiyaan tayo dhowrka khyaraadka badda gaar ahaan kalluunka ayna qaabilsan yihiin tayo dhowrka,waxaana uu xusay in ay ka howlgalaan in kabadan 100 dal oo caalamka ka mid ah.

Wasiiru dowlaha Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Abshirow oo furay shirkaasi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeynayso sidii wax soo saarka dalka loo horumarin lahaa.

Mudane C/llaahi Abshirow ayaa sidoo kale ku tilmaamay barnaamijka lagu xaqiijinayo tayo dhowrka kalluunka Soomaaliya,taasi oo sahlaysa in si fudud kalluunka Soomaaliya loogu iib geeyo caalamka,ayna qeyb ka tahay horumarka dhaqaale ee dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...