12 Alshabaab ah oo Saakow lagu dilay iyo Xasan Yacquub oo dhaawac halis ah qaba

Date:

Horjoogeyaal ka tisan maleeshiyada  Alshabaab oo lagu laayay duqeyn ka dhacday Saakow

In ka badan 12 ka mid ah maleeshiyaadka Alshabaab ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacaday degmada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe, halkaas oo ay gacanta ku hayso kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.

Duqeynta dhinaca cirka ah waxaa lala beegsaday goob ay ku shirsanaayeen horjoogeyaal ka tirsan maleeshiyada Alshabaab oo gaarayay 37.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Adan Isak Cali ayaa xaqiijiyay in duqeyntan ay ku dhinteen 12 ka mid ah saraakiishii Alshabaab ee ku shirsanaa goobta.

Waxa uu intaas ku daray in dadka duqeynta lagu dilay ay ku jiraan 2 ka tirsan horjoogeyaasha sar sare ee maleeshiyada Alshabaab, halka kuwa dhaawacmayna uu ka mid yahay  Xasan Yacquub oo ka mid ah horjoogeyaasha kooxda.

Xasan Yacquub waxaa soo gaaray dhaawac halis ah, waxa uuna u dhexeeyaa nolol iyo geeri.

Dowladda Soomaaliya oo garab ka heleysa saaxiibbadeeda caalamka ayaa dar dar gelisay duqeymaha iyo weerarrada ay argagixisada Alshabaab kula beegsaneyso goobaha ay dalka kaga sugan yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan

Abaalmarinta Waaxda Caddaaladda dowladda Maraykanka waxay bixineysaa abaalmarin gaareysa...

Senator Maxamed Cismaan Majiino oo laascanood kulan wadatashi ah la qaatay hoggaanka dhaqanka iyo waxgaradka

Senator Maxamed Cismaan Majiino oo ka mid ah masuuliyiinta...

Shirweynaha dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo oo maalintiisa labaad galay

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku guda jirto dhameystirka dhismaha...

Danjire Jabriil oo booqasho shaqo ku tagay gobalka Lamu

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa qayb ka ahaa wafdi...