Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Date:

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Komoros, Mudane Youssoufa Mohamed Ali Wasiirka Komoros ayaa Muqdisho u yimid inuu ka qaybgalo Shirka 34-aad ee Hay’adaha Sare ee Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF).

Wasiir Youssoufa Mohamed Ali, oo ka mid ah madaxda sare iyo taliyeyaasha Ciidamada dalalka xubnaha ka ah EASF ee ka qaybgalaya shirkan, ayaa uga mahadceliyay dowladda Soomaaliya soo dhaweynta iyo martigelinta wanaagsan ee loo fidiyay.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa dhankiisa hoosta ka xariiqay in ka qaybgalka wasiirrada gaashaandhigga ee dalalka xubnaha ka ah EASF uu yahay caddayn muuqata oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay waddamada gobolka inay si buuxda isaga kaashadaan xoojinta nabadda, xasilloonida, iyo difaaca guud ee Afrikada Bari.

Shirkan oo ah mid muhiimad gaar ah u leh amniga gobolka, ayaa lagu wadaa in lagu gorfayn doono qorshayaal iyo istaraatiijiyado lagu horumarinayo awoodda ciidamada EASF iyo ka jawaabista caqabadaha amni ee ka jira gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...

Guddoomiyaha BFS oo dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...