Ciraaq oo ciidamo u dirtay xuduudda Turkiga

Date:

Muqdisho September 18 (SNTV):-Sida uu qoray wargeyska Daily News, ee ka soo baxa Turkiga, waxa dowladda Ciraaq ay go’aansatay in ay ciidamo ilaaliyo u dirtay xuduudda Turkiga, si ay uga hortagaan falalka amni darro ee ka dhaca halkaas, sidaas waxaa laga soo xigtay saraakiil ka tirsan xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisal wasaaraha Ciraaq Xeydar Al-Bagdaadi ayaa shir guddoominayey kulanka golaha amniga qaranka ee dalkaas oo Isniintii shalay ka dhacay caasimadda Baghdad, waxaana looga hadlay guud ahaan amniga dalka iyo xuduudaha.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Ciraaq ayaa lagu sheegay in shirka golaha amniga qaranka looga hadlay sidii ciidamo loogu daadgureen lahaa xuduudda Ciraaq.

“Wasiirka arrimaha dibadda Ciraaq ayaa qaadi doona tallaabo ku saabsan sidii ciidamo loogu daadgureen lahaa xuduudaha”ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay Turkiga ayaa kordhiyey weerarrarada cirka ee ka dhanka kooxda PKK.

Diyaaradaha Turkiga ayaa weerarra kooxda PKK, oo ka howlgala waqooyiga bari ee dalka Ciraaq gaar ahaan buuraha Qandiil.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...