Ra’iisal wasaaraha XFS oo kormeer shaqo ku tegay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar

Date:

Muqdisho (SNTV);- Ra’iisl wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali kheyre ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, wuxuuna kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Maamulka gobalka oo uu hoggaaminayo Duqa magaalada Muqdisho.

Kullanka oo uu shirguddoomiyey Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa looga hadlay Hirgelinta qorshaha Horumarinta Caasimadda Muqdisho,sugida Amniga iyo dardar gelinta adeegyada Bulshada ee uu bixiyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisoow) ayaa xusay in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ay u soo bandhigeen waxyaabaha u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir iyo hiigsiga horumarinta Bulshada ku nool caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

“ Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa nagu soo booqday xarunta Dowladda hoose ee Xamar,tani oo qeyb ka ah kormeerkii uu ku mariyay Hay’adda Dowladda,maadama xaruntii caasimadda Gobolka Banaadir halkan tahay fursad ayay noo ahayn anaga inuu nala kulmo madaxdii Gobolka Banaadirna fursad buu u helay inuu warbixin ka dhageysto Xaalada meeshey mareyso,horumarka aan ka sameynay,runtii aad iyo buu inoogu dhiira geliyay shaqada aan bulshada u heyno,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay inuu Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya kula dardaarmay iney dardar geliyaan howlaha sugida amniga iyo dardar gelinta adeegyada shacabka Gobolka Banaadir loo qabto.

Ugu danbeyntii,Duqa Muqdisho ayaa ku ammaanay Ra’iisal wasaare Kheyre mudnaanta gaarka ah uu siiyo Gobolka Banaadir,wuxuuna kormeerka Ra’iisal wasaaraha qeyb ka yahay qorshaha isla xisaabtanka iyo kor joogteynta oo lagu tayeynayo howlaha muhiimka ah ee Bulshada u hayaan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...