Ra’iisal wasaaraha XFS oo kormeer shaqo ku tegay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar

Date:

Muqdisho (SNTV);- Ra’iisl wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali kheyre ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, wuxuuna kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Maamulka gobalka oo uu hoggaaminayo Duqa magaalada Muqdisho.

Kullanka oo uu shirguddoomiyey Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa looga hadlay Hirgelinta qorshaha Horumarinta Caasimadda Muqdisho,sugida Amniga iyo dardar gelinta adeegyada Bulshada ee uu bixiyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisoow) ayaa xusay in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ay u soo bandhigeen waxyaabaha u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir iyo hiigsiga horumarinta Bulshada ku nool caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

“ Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa nagu soo booqday xarunta Dowladda hoose ee Xamar,tani oo qeyb ka ah kormeerkii uu ku mariyay Hay’adda Dowladda,maadama xaruntii caasimadda Gobolka Banaadir halkan tahay fursad ayay noo ahayn anaga inuu nala kulmo madaxdii Gobolka Banaadirna fursad buu u helay inuu warbixin ka dhageysto Xaalada meeshey mareyso,horumarka aan ka sameynay,runtii aad iyo buu inoogu dhiira geliyay shaqada aan bulshada u heyno,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay inuu Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya kula dardaarmay iney dardar geliyaan howlaha sugida amniga iyo dardar gelinta adeegyada shacabka Gobolka Banaadir loo qabto.

Ugu danbeyntii,Duqa Muqdisho ayaa ku ammaanay Ra’iisal wasaare Kheyre mudnaanta gaarka ah uu siiyo Gobolka Banaadir,wuxuuna kormeerka Ra’iisal wasaaraha qeyb ka yahay qorshaha isla xisaabtanka iyo kor joogteynta oo lagu tayeynayo howlaha muhiimka ah ee Bulshada u hayaan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ururada siyaasadeed oo olole doorasho ka wada Muqdisho

Xilli maalmo kooban ay ka harsanyihiin maalinta codbixinta doorashada...

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...