Muqdisho (SNTV)ย Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisayaย Shir Wadatashiga oo ah mid xoogga lagu saarayey ka wada qeyb-qaadashada sugidda Amniga Gobalka Benaadirย iyo xoojinta Wada Shaqeynta ka dhaxeysa Hayโadaha Amiga iyo Bulshada Soomaaliyed iyo hirgalinta nidaam lagu sugi karo Amniga guud ahaan dalka, kaasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Waxaa si guud looga wadda dooday sida la isaga kaashan karo wadda shaqeynta ka dhaxeysa maamulada degmooyinka iyo hayโadaha Amniga.
Zaynab Maxamuud Warsame guddoomiyaha deggmada Warta-nabadda ayaa Sheegtay in loo baahanyahay ciidamo gaar ah oo hoos-taga degmooyinka, kuwaas oo qeyb ka qaata Sugidda Amniga Gobolka.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amiga Xukumadda Soomaaliya Xildhibaan C/naasirย Siciid Muuse ayaa sheegay in wasaaradda ay mar waliba u taagan tahay in amniga dalka la gaarsiiyo meel wanaaagsan.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Xukumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Maxamed Buunow oo daahfuray shirka Wadatashiga ah ayaa sheegay in loo baahanyahay wadatashi iyo wadda shaqeyn dhab ah oo dhaxmara hayโadaha Amniga iyo Bulshada, si loogu guuleysato Amniga Dalka.