Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka ah ee Somalia mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Cambaareeyey Qaraxi maanta kadhacay magaalada muqdisho.
Madaxweyne Farmajo oo ka hadlayey furitaanka kalfadhiga 4 aad ee golahaย parlamaanka soomaaliya ayaaย tacsi udiray eheladii dadkii kudhintay iyo kuwa kudhaawacmay qarax maanta ka dhacay xarunta degmada hodon ย ee magaalada muqdisho, kaasoo ay geysteen kooxda Argagaxisada ah eeย shabaab
Madaxweynaha waxa uuย sheegay in kooxaha argagaxisada ah ee ashabaab aysan unaxeyn shacabka soomaaliyeed ayna bartilmaameedsanayaan goobaha loogu adeego bulshadaย ย soomaaliyeed, taasina ay muujineysa buu yiriย sida ay cadow ugu yihiin shacabka, waxana uu ugu baaqay dhammaan shacabka iyo ciidamada qalabka sida inay u istaagaan sidii looga hortagi lahaa kooxaha argagaxisada ah.
kooxda argagaxisada ah ee alshabaab waa koox caadeysatay daadinta dhiigga ummada soomaaliyeed waxana ay ku xiranyihihiin kooxo kale oo argagaxiso ah oo aduunka jooga.