Duqa Muqdisho oo Cambaareeyay weerarkii naftii halignimada ahaa ee argagixisada ay ka geysteen degmada Hodan

Date:

 

Muqdisho(SNTV);- Kooxda argagixisada Al-Shabaab ayaa maanta mar kale weerar ismiidaamin naftii halignimo ah ka geystay xarunta degmada Hodan ee Gobolka Banaadir,halkaasi oo ay ku bur buriyeen Masaajid ku dhow xarunta degmada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow) ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Qaraxa,wuxuuna sheegay in Qof naftii halige ah xoog uu ku jiiray Ciidamada,wuxuuna u mahad celiyay Ciidamadii geesiyaasha ee hor istaagay xabadahana ku furay,isagoona sheegay in naftii haligihii uu is qarxiyay markii uu soo gaaray goobtii Cibaadada (Masjidka).

Guddoomiye Yariisow ayaa tacsi u diray Ehalada dadkii ku shahiiday weerarka bahalnimada ah ee Kooxda argagixisada ka fulisay xarunta degmada Howlwadaag kuna bur burisay Masjidka Alle,isagoona Alle uga baryay inuu janada ka waraabiyo.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow) ayaa u mahad celiyay Shacabka soo gurmaday islamarkiiba naftoodana u huray haddii xitaa Qarax kale dhici lahaa,wuxuuna sheegay in shacabka markaan soo jeesteen oo ay diidan yihiin argagixisada iney dhibaato u geystaan.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in warbixin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay Qarax dib ka soo sheegi doonaan,maadama hadda Wali Hay’adaha amniga wadaan baaritaan ku aadan weerarka wuxuushnimada ah,isagoona dhanka kale tilmaamay in dad dhaawac la geeyay Cisbitaalada kuna booqanayaan halkaasi si gurmad loogu sameeyo.

Kooxda Nabad diidka Al-Shabaab ayaa 2-dii bishan September weerar naftii halignimo ah ku qaaday xarunta degmada Howlwadaag,halkaasi oo ay ku bur buriyeen Masjid iyo Dugsi Qur’aan oo carruur Soomaaliyeed Qur’aanka Kariimka ah lagu barayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa kulan la qaatay...

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...