Muqdisho (SNTV)- Wararka ka imaanaya degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in degaan ku dhow degmada ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo lala eegtay sarkaal ka tirsan Al Shabaab.
Sida Wararkaย xog ogaal ah aan ku heleyno duqeynta ayaa xalay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana bartilmaameydka duqeynta uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab.
Sarkaalka lagu dileyย duqeynta degmada Jilib, oo aan wali magaciisa la shaacin ayaa la rumeysan yahay inuu ka tirsanaa amniyaadka Al-Shabaab, wuxuuna ka qeyb qaatay weeraro badan oo ka dhacay Koofurta Soomaaliya, gaar ahaan weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Soomaaliya 14-Kii Oktoober sanadkii tegay.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, balse waxaa la rumeysan yahay in sarkaalkaasi uu ku dhintay isagaย iyo maleeshiyaad ilaalo u ahaa duqeyn ka dhacday degmada Jilib ee gobalka Jubbada Dhaxe.