Duqa Muqdisho oo Guddoomiyey Shir looga hadlayay horumarinta Magaalooyinka Dalka

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa guddoomiyey Shir looga hadlayay horumarinta Magaalooyinka dalka.

Shirka ayaa intii uu socday waxa uu Bangiga Adduunka ku soo bandhigay daraasad lagu sameynayo sidii loo horumarin lahaa magaalooyinka dalkeena, iyadoo ujeedku yahay horumarinta barnaamijyada dib u qaabeynta dhismaha adeegyada bulshada, iyo in la adkeeyo nidaam ay shacabka iyo maamulladoodu ku horumarinayaan magaalooyinkooda, gaar ahaan dhismaha waddooyinkan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa tilmaamay ahmiyadda uu dalka u leeyahay mashruucan, isagoo xusay in Bangiga Adduunka ay ka wada shaqeynayaan hirgelinta dhismaha waddooyinka, gaar ahaan jidadka loo yaqaan Community Road oo xiligan Caasimaddu aad ugu baahan tahay.

“Waxuu Bangiga Adduunku aad noogala shaqeeyaa mashaariic badan oo dhowaan ka hirgelin doonno Caasimadda, sida jidadka loo yaqaan Community Road oo bangigu gacan nagu siinayo, tani waxay ka tarjumeysaa baahida loo qabo in la xaqiijiyo u dhoweynta bulshada ee maamulka, sidoo kalena dib u eegis lagu sameeyo baahiyaha magaalooyinka dalka oo shirkan uu diiradda saarayay.”

Wakiilka Bangida Adduunka u fadhiya Soomaaliya Mr. Hugh Riddell ayaa tilmaamay in waqti walba ay garab taagan yihiin barnaamjiyada lagu horumarinayo Soomaaliya. Isagpo uga mahadceliyey Duqa Muqdisho horumarka uu ka sameeyey Caasimadda mudadii uu joogay, gaar ahaan dhismaha kaabayaasha bulshada.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa todobadii bilood ee la soo dhaafay xoogga saaray horumarinta kaabayaasha bulshada, soo celinta bilicda, dhismaha waddooyinka iyo isku xirka bulshada, iyadoo lala kaashanayo shacabka Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Maamullada Gobolka Banaadir, Wasaaradaha Qorshaynta, Howlaha Guud, Gobollada Bay, Jubbada Hoose iyo Khubaro ka socday Bangiga Adduunka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...