Guddoomiye Yarisow oo Ankara kaga qeyb galay Shirka Guud ee Midowga Caasimadaha Adduunka “SAWIRRO

Date:

Ankara, Sebteembar 5, 2018: Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo uu wehelinayo Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga Mudane Jaamac Cabdullaahi Maxamed ayaa ka qayb galay Shirka Guud ee Midowga Caasimadaha Adduunka oo maanta lagu qabtay magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray hannaanka horumarinta caasimadaha, xallinta caqabadaha iyo jaangoynta qorshe howleedka Dawladaha Hoose.

Duqa Muqdisho ayaa khudbadda uu ka jeediyey shirka waxa uu kaga warbixiyey guulaha dhanka maamul iyo amni ee lagu tallaabsaday muddii la soo dhaafay iyo qorsheyaasha ay hiigsanayaan.

“Waxaan soo dhaweeynaynaa in Maamullada Caasimadaha ee ku bahoobay madashan ay dardar geliyaan is-dhaafsiga khibradaha dhanka Maamulka, tababarrada iyo xoojinta wada shaqeynta, si loo kabo maamullada Dawladaha Hoose ee dalalka soo koraya.”

Guddoomiye Yarisow ayaa ku bogaadiyey Maamulka Ankara iyo guud ahaan Dawladda Turkiga sida joogtada ah ee ay u garab istaageen Dawladda Hoose ee Xamar, iyagoona kaalin muhiim ah ka qaatay dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha iyo soo celinta bilicda caasimadda.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa u diray dhiggiisa magaalada Ankara Dr. Mustafa Tuna hambalyo ku aaddan xilka loo doortay ee guddoonka Midowga Caasimadaha Adduunka, muddada 2-da sano ah ee soo socota.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxda caasimadaha ee ka soo qeyb galay shirkan, isagoona kala hadlay sidii ay gacan uga gaysan laahaayeen tayeynta shaqaalaha Dawladda Hoose iyo kobcinta adeegyada asaasiga ah ee magaalada Muqdisho.

 

–DHAMMAAD–

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...