Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran oo sheegay in Baydhabo lagu dooran doono 2 kursi oo Golaha Sacbka ka banaan

Date:

Muqdisho (SNTV)- Iyadoo maalintii shalay magaalada Dhuuso-Mareeb lagu doortay kursi ka banaanaa Golaha Shacabka uuna ku guuleystay C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa guddiga doorashooyinka Qaranka ee madaxa banana wuxuu sheegay in doorashada xigta ay ka dhacayso magaalada Baydhabo.

Xaliimo Ismaaciil Xaliima Yarey guddoomiyaha Gudiigaasi ayaa sheegtay in 2 kusri oo deegaan doorashadoodi ay tahay Koonfur Galbeed lagu dooran doono magaalada Baydhabo,iyadoo ku baaqday in loo diyaar garoobo arrintaasi.

Labada kusri ee bannaan ayaa kala ah Cuseen Cusmaan Xuseen Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Khaliif C/llaahi duurey oo dhawaan geeriyooday,kana tirsanaa Golaha Shacabka.

“Waxaan rabaa in halkan aan uga faa’idaysano doorashada labo kusri oo ka dhacaysa magaalada Baydhabo ,waa doorashadaan midda ku xigta,mid kamid ah ergadii iyo nidaamkii waa diyaar waxaana ka codsanaynaa kursiga labaad in ay ku soo diyaariyaan  muddadada loo qabtay ee ahaa 30 bishan oo dib aan ugu dhignay hadana 6 bishan ay soo dhameystiraan,hadii ay noqon weyso looma suuro galayso in aan waqti ku darno,waxay noqonaysaa in laga gudbo ilaa markale”.ayay tiri Xaliimo Yarey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...