Soomaaliya oo ka faa’idaysanaysa Sanduuqa $60ka bilyan ee Shiinuhu u qoondeeyey Qaaradda Afrika

Date:

Muqdisho September 4 (SNTV):-Waxaa si rasmi ah magaalada Beijing uga furmay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo kulmisay 53 qaran oo Afrikaan ah, Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

Waddanka Shiinaha, oo ka duulaya xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo xiriirka Shiinaha iyo Afrika ayaa waxa uu ku dhawaaqay Sanduuq horumarineed oo $60 bilyan ah kaasi oo ugu talagalay Afrika.

Sanduuqan oo loo qoondeeyey hindisayaasha horumarineed ee Afrika ayaa la filayaa in lagu fuliyo saddex sanno gudahood.

Soomaaliya ayaa dhawaan saxiixday Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative), hindisahaas oo fududeenaya isku xirnaanta dalalka iyo horumarka dhaqaale.

Badi hindisayaasha horumar ee sanduuqan ayaa waxa lagu salaynayaa mashaariicda qaybta ka ah Hindisaha Kaabayaasha Dhaqaale.

Qaybta horumarinta loogu talagalay ee sanduuqan waxaa kamid ah hindisayaasha isgaarsiinta, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, dekadaha iyo tabobarrada.

Soomaaliya waxa ay sidoo kale saxiixday heshiis la xiriira sare u qaadidda Iskaashiga Dhaqaale iyo Farsamo ee u dhexeeya Beijing iyo Muqdisho.

Sanduuqan $60 bilyan ah waxa uu ka kooban yahay $15 bilyan oo dayn bilaa dulsaar ah, $15 bilyan kale oo deeq ah, $20 bilyan oo dayn ah, iyo 5 bilyan oo lagu taageerayo badeecadaha laga soo dhoofiyo Afrika.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Xi Jinging, wadahadalladii ay yeesheen ka hor intaanu dhicin shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, waxa ay isla garteen in la xoojiyo xiriirrada dhaqaale iyo in la iska kaashado hindisayaasha horumarka.

Soomaaliya waxa ay dadaal ku bixinayaaa helidda maalgelin horumarineed iyo maalgashi shisheeye si ay u gaarto yoolalka horumarka, ugana faa’iideysato halka ay kaga taallo Geeska Afrika oo ah meel Istiraatiiji ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed CXD ayaa fuliyay howlgallo amni...

Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka bisha Ramadaan

Degmada Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa u...

Safiirka Soomaaliya ee Australia oo aqoonsiga laga guddoomay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Australia...