Safaaradda Soomaaliya ee Hindiya oo kaashaneysa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Hyderabad ayaa qabatay munaasabad lagu maamuusay 1-da Luulyo.

Date:

Munaasabaddan qaran oo ay ka muuqatay dareen waddaniyadeed iyo midnimo ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan, diblomaasiyiin, Xildhibaanno ka tirsan BJFS, ganacsato, madaxda isbitaallada iyo Jaamacadaha, aqoonyahanno, dhallinyaro iyo marti sharaf kale.

Waxay si gaar ah ugu mahadceliyeen Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Hindiya, Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowa, iyo dhammaan diblomaasiyiinta Safaaradda, kuwaas oo suurageliyay in bulshada Soomaaliyeed ee Hydrabad ay si sharaf, wadajir iyo qiiro waddaniyadeed leh ugu dabaaldegaan maalmaha qaran.

munaasabadda waxaa hadallo ka jeediyay, Xoghayaha Koowaad ee Safaradda Maxamed Cabdi Ibraahim (Qowdhan) Danjire Ku-xigeenka Cali Axmed Maxamuud iyo masuuliyiin ka socotay qeybaha bulshada iyo Sanatar Laylo Nur Maah oo bogaadisay munaasabada heer ka qaran.

Ugu dambeyn Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Dr. Cabdullaahi Maxammed Odowa, oo khudbada ka jeediyay munaasabada, ayaa ugu horreyn hambalyo u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...