Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo xalay booqday Bukaanadi ku waxyeeloobay weerarki Howlwadaag

Date:

Isniin, Sept 3, 2018Muqdisho (SNTV) Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay booqday Cisbitaalada Digfeer iyo Madiina oo la dhigay dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Wuxuushnimada ahaa ee Argagixisada Al-Shabaab shalay ka geysteen xarunta degmada Howlwadaag.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa kormeerka dhaawacyada ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka.

“Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan uga tacsiyadeynayaa dhibaatadii dhacday,dadka Turkigana waxaan uga mahad celineynaa waxaan caawa aragnay,dadka Soomaaliyeed waxaan uga tacsiyadeyneynaa dadkii masaakiinta ahaa ee Masaajidka ku jiray iyo Gabadha yarta ah ICU-da ku jirta ee 9-jirta ah Dugsiga joogtay oo madaxa jugta ka soo gaartay,dadka Turkigana waxaan uga mahad celineynaa sida xanaanada macnada leh ee aan soo aragnay kuwa madaxa laga qalay kuwa caloosha laga qalay,kuwa dhiiga lagu shubay iyo kuwa aan ogaalka lahayn ee ICU-da ku jira dadaalka ay ku bixinayaan,”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirada Xukuumadda Federaalka ka tirsan ee xalay booqday dadkii shalay ku dhaawacmay Weerarkii naftii halignimada ahaa ee argagixisada Al-Shabaab geysteen waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya, kuwaasi oo u kuur galayay xaaladda dadka dhaawacyada ah iyo sidii xanuunka loola qeybsan lahaa dadka masaakiinta ah ee aan waxba galabsan ee Cadowga Al-Shabaab dhibaateeyeen.

Kooxda Nabad diidka ah ee Al-shabaab ayaa caadeystay geysashada falalka lagu bartilmaameedsanayo dadka shacabka ah, iyadoo la wada xusuusto weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee dhacay 14-kii October ee sanadkii hore.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

-Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu...