Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo xalay booqday Bukaanadi ku waxyeeloobay weerarki Howlwadaag

Date:

Isniin, Sept 3, 2018Muqdisho (SNTV) Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay booqday Cisbitaalada Digfeer iyo Madiina oo la dhigay dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Wuxuushnimada ahaa ee Argagixisada Al-Shabaab shalay ka geysteen xarunta degmada Howlwadaag.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa kormeerka dhaawacyada ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka.

“Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan uga tacsiyadeynayaa dhibaatadii dhacday,dadka Turkigana waxaan uga mahad celineynaa waxaan caawa aragnay,dadka Soomaaliyeed waxaan uga tacsiyadeyneynaa dadkii masaakiinta ahaa ee Masaajidka ku jiray iyo Gabadha yarta ah ICU-da ku jirta ee 9-jirta ah Dugsiga joogtay oo madaxa jugta ka soo gaartay,dadka Turkigana waxaan uga mahad celineynaa sida xanaanada macnada leh ee aan soo aragnay kuwa madaxa laga qalay kuwa caloosha laga qalay,kuwa dhiiga lagu shubay iyo kuwa aan ogaalka lahayn ee ICU-da ku jira dadaalka ay ku bixinayaan,”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirada Xukuumadda Federaalka ka tirsan ee xalay booqday dadkii shalay ku dhaawacmay Weerarkii naftii halignimada ahaa ee argagixisada Al-Shabaab geysteen waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya, kuwaasi oo u kuur galayay xaaladda dadka dhaawacyada ah iyo sidii xanuunka loola qeybsan lahaa dadka masaakiinta ah ee aan waxba galabsan ee Cadowga Al-Shabaab dhibaateeyeen.

Kooxda Nabad diidka ah ee Al-shabaab ayaa caadeystay geysashada falalka lagu bartilmaameedsanayo dadka shacabka ah, iyadoo la wada xusuusto weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee dhacay 14-kii October ee sanadkii hore.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...