Madxaf labo qarni jiray oo gubtay

Date:

Isniin, Sept 23, 2018 Muqdisho (SNTV) Dab wayn ayaa ka kacay madxafka qaranka ee dalka Brazil ee ku yaalla Rio de Janeiro, wuxuuna ahaa mid ka mid ah kuwa ugu qaddiimsan dalkaas.

Dabdamiska ayaa daminaya dabka ka huraya dhismaha oo ay yaaleen in kabadan 20 milyan oo shay.

Ma cadda in dad ay ku dhaawacmeen dabka Axaddii kacay.

Madxafkan oo mar hoy u ahaa qoyskii boqortooyada Boortaqiiska ayaa sannadkan horraantiisa u dabaal dagay 200 oo sano guuradii ka soo wareegtay markii la aasaaay.

Sawirro laga baahiyay telefeshinka Brazil ayaa muujiyay dabka oo ka caya, waxaana la rumaysan yahay in uu billawday marii albaabada la isugu laabay ee ay dhammaatay wakhtigii ay dadku u daawasho tagi jireen, Dabka ayaa ku baahay dhismaha oo dhan.

Lamana oga waxa dhaliyay dabka.

Madaxweynaha Brazil Michel Temer ayaa Twitter uu soo qoray ku sheegay “in ay tahay maalin murugo aleh”, wuxuuna intaas ku daray in qiimaha taariikhdooda aan lagu cabbiri karin waxyeellada dhismahaas soo gaartay.

Madaxa madxafka oo waraysi siiyay telefeshinka TV Globo ee dalka Brazil ayaa sheegay in ay dhacday masiibo dhaqan”

Madxafka waxaa yaalay kumannaan shay oo la xidhiidha dhaqanka Brazil iyo dalal kale oo ay Masar ka mid tahay, sida ku qornayd barta uu ku leeyahay Internetka.

Waxyaabaha dabiiciga ah ee yaalay waxaa ka mid ah lafaha xayawaanka dinosaur iyo qalfoof haween oo 12,000 oo sano jira, kaas oo ahaa midkii ugu da’waynaa ee abid laga helo Laatiin Ameerica.

Shaqaalaha dhismaha ayaa la sheegay in horay u soo gudbiyeen walaaca ay ka qabaan dhaqaale la siin jiray oo laga jaray madxafka iyo xaaladda uu dhismuhu ku sugnaa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...