Nusoj oo qabatay Dood ku saabsan badqabka gabdhaha wariyayaasha ah.

Date:

Muqdisho August 3 (SNTV):- Ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliyed ee Nusoj ayaa qabta Dood ku saabsan badqabka gabdhaha wariyayaasha ee soomaaliyed iyo sidii loo ilaalin lahaa.

Dooddan ayey Ururka ku casumeen Madax ka socotay Dowlada Federaalka ah ee Soomaalia, Qaar kamid ah Agaasimayaasha warbaahinta Muqdisho, Aqoonyahano iyo Qaar kamid ah wariyayaasha magaalada Muqdisho.

Doodda ayaa inteeda badan lagu falanqeeyey dhibaatooyinka iyo caqabadaha heysta gabdhaha wariyayaasha, xaaladaha ay kushaqeeyaan iyo sidii loo horumarin lahaa xirfadooda.

Maahir Jaamac Aadam oo ah gudoomiyaha Ururka saxafiyiinta Somaliyed ee Nusoj oo hadal kajeediyey Doodda ayaa sheegay in masuuliyadoodu ay tahay sidii ay u ilaalin lahaayeen Xuquuqda wariyayaasha soomaaliyeed meelkasto ay joogaan, Ujeedada ay u qabteen Doodanna ay tahay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada heystada gabdhaha wariyayaasha ah.

Amina ladan Axmed Cali oo ah gabar suxufiyad ah oo mudda kasoo shaqeysay howlaha saxaafada oo iyadna ka hadashay dooda waxay sheegtay in caqabado badan ay heystaan gabdhaha wariyayaasha ah, duruufana ay ku shaqeyan ay kamidyihiin mushaarka ay qaataan oo kuyar, iyo maamulayaasha warbaahinada qaarkood oo aan wax tixgalin ah siin gabdhaha, iyadoo ugu baaqday Ururka saxafiyiinta qaranka iyo Dowlada federaalka ah ee soomaaliya inay soo saaraan sharci ilaalinaya xuquuqda gabdhaha wariyayaasha ah.

MAryan AMiin oo ah Agaasimaha waaxda Arimaha bulshada ee xafiiska Ra’isalwasaaraha Soomaaliya oo gabagabadii Dooda ka hadashay goobta waxay sheegtay in Wariyayaasha ay kaalin wayn ka qaataan dib udhiska dalka gaar ahaan kuwa dumarka  sidaas darteed loo baahanyahay in la tixgaliyo oo aan lagu xadgudbin, iyadoo intaas kudartay inuu jira guddi madax bannaan oo ka shaqeeya xuquuqul insaanka Soomaaliya, kaasoo dabagalka kusameyn doona dhibaatooyinka loo geysto Gabdhaha wariyayaasha ah,

Ma ahan Dooddii ugu horeysay ee ay qabtaan Ururka saxafiyiinta qaranka ee Nusoj kaasoo ay uga hadlayaan xaaladaha ay kushaqeeyaan wariyayaasha Soomaaliyeed, waxaana haddii la joogteeyo Doodaha looga hadlayo dhibaatooyinka heysta wariyayaasha Soomaaliyeed meesha ka baxa caqabadaha ka heysta shaqadooda.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...