Dowlada Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka shiray qorshaha horumarinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa shir guddoominayay Kulan u dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo looga hadlayay qorshaha horumarinta ciidanka booliska Soomaaliyeed ee heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed, kaasi oo dhawaan Midowga Yurub iyo Dowladda Soomaaliya ku kala saxiixdeen 42 Milyan.

Dowladda Soomaaliya waxa ay shirka ku soo bandhigtay baahiyaha gaarka ah ee la xirira horumarinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay diyaarisay Wasaaradda Amniga, iyadoo ay ka mid ahayd qorshaha sugidda Amniga garoonka cayaaraha ee Stadium Muqdisho oo dhawaan amnigiisa lagu wareejiyay ciidanka booliska.

Dood dheer kaddib ayaa waxaa lagu ansixiyay qorshahaas ku aadan horumarinta booliska Soomaaliyeed oo ay taageereyso Midowga Yurub, waxana ka mid ahayd taageerada dhaqaale ee qorshaha sugidda amniga Stadium Muqdisho.

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qorshahan uu ahaa mid Midowga Yurub ay kal hore kala saxiixdeen dowladda, isla markaana 80% uu ku so dhamaaday guul, isagoo intaa ku daray in dhawaan ay markale yeelan doonaan shir arrimahan la xiriirta.

“Shirkan waxa uu daba socdaa shirkii hore aan ku kala saxiixanay 42 Milay oo lagu kobcinayo booliska Soomaaliyeed heer Federaal iyo heer Maamul Goboleed,  marka sida aan horey u sheegnay baahida heer Federaal iyo heer Maamul Goboleed ayaan soo gudbisanay, marka maanta waxaa la ansixiyay 80%, wixii aan soo gudbisanay dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, tusaale ahaan baahida stadium Muqdisho oo aan dhawaan la wareegnay, dhawaana wey heli doonaan qalab iyo wixii ay u baahan yihiin, waana guul u soo hooyatay Soomaali oo dhan, lacagtaasna waa lacag loogu talaglay Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Amniga

Dowladda Soomaaliya ayaa hoggaamineysa waxkasta oo ay u baahanyihiin dowlad Goboleedyada , iyadoo loo soo marayo Wasaaradda Amniga sida uu sheegay Wasiirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MUDANAYAASHA GOLAHA SHCABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY HESHIISKII LAGU DHISAY URUR GOBOLEEDKA IGAD

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir...

Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan oo gaaray dalka Sucuudiga halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay

Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa ku sii qul-qulaya dhulka...

Abaalmarinta Sanadlaha ah dhallinyarad hal-abuurka leh ee qaaradda Afrika oo lagu qabtay Nairobi

Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Jabril Ibraahim...