Madaxweyne Farmaajo oo tacsi u diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Date:

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay ย Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Geerida ku timid Alle ha u naxariistee hooyadiis, maamo Haajaro Cali Aadam.

Madaxweynaha ayaa Eebbe uga baryey qoyska iyo ehelada ay ka geeriyootay, Alle ha u naxariistee hooyo Haajaro Cali Aadam in uu ka siiyo sabar iyo iimaan.

โ€œInnaa Lilaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Guddoomiyaha G/Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh oo ay hooyadiis Maamo Haajaro Cali Aadan ay ku geeriyootay Baydhabo. Alle S.W.T qabriga ha u waasiciyo, ehelkana sabar iyo iimaan haka siiyo.โ€

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu duceeyey marxuumadda in ay ka mid noqoto martida Alle ee hooygoodu yahay jannatul firdowsa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale