Maamulka Gobalka Benaadir oo AMISOM kala hadlay ilaalinta xuquuqul iinsaanka

Date:

Muqdisho(SNTV) Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Medara.

Guddoomiyaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, ilaalinta xuquuqul iinsaanka iyo dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir uu ugu jiro xal u helista dhibaatooyinka haysta dadka barakacayaasha ah.

Eng.Yarisow ayaa tilmamay muhiimadda ay leedahay in Saraakiisha Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay kala shaqeeyaan hay’adaha heer Federaal iyo heer Gobol xal u helista tabashooyinka ka dhanka ah xuquuqda haweenka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay magacaabayaan guddi ka shaqeeya ilaalinta xuquuqul insaanka, gaar ahaan baaritaanka eedaymaha soo gaara Gobolka ee ku saabsan tacaddiyada.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ka shaqeynayaa sidii loo xaqiijin lahaa ilaalinta karaamada iyo sharafta bulshada Gobolka, iyadoona aan kaashaneyno dhammaan dhinacyada ay khuseyso.”

Dhankiisa, Danjire Francisco Medara ayaa bogaadiyey qorsheyaasha Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan ilaalinta xuquuqul insaanka, isagoona ballaan qaaday in ay kaalintooda ka qaadanayaan baaritaannada ku saabsan arrinkan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) iyo Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya Mudane Francisco Medara ayaa xaqiijiyey muhiimadda ay u leedahay dhallinyarada iyo horumarinta ciyaaraha dib u dayactirka Tuulada Ciyaaraha ee Muqdisho Stadium oo dhawaan ay banneeyeen Ciidanka AMISOM.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...