Wasiir dowlaha Xafiiska R/wasaaraha XFS oo ka qeyb galay shir looga hadlayey haggaajinta Bii’adda wadamada ku yaalla Galbeedka Badweynta Hindiya

Date:

Muqdisho (SNTV), Wasiiru Dowlaha XafiIska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa ka qayb galay shirka 9aad ee Wasiirada Bii’ada ee wadamada ku yaalla Galbeedka Badweynta Hindiya oo ka mid yihiin Soomaaliya , Kenya Tanzania Mozambique iyo Koofur Afrika, kaasi oo ka dhacay Magaaladda Mombasa ee dalka Kenya.

Shirkaan ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen haggaajinta Bii’adda ee dalalka dhaca galbeedka badweynta Hindiya, isbadalka hawada, Daryeelka isticmaalka baddaha iyo arrimo kale.

Wasiirka,  ayaa sheegay in Soomaaliya shirkaan wixii ka dambeeyey burburkii dalka aysan ka qeyb gelin, maadaama dalka dhibaatooyin ay ka jireen, isaggoo xusay in hadda dawladda ay diyaar u tahay  in hormuud ay ka noqoto shirarka noocaan oo kale.

Wasiiru Dowlaha XafiIska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa tilmaamay in madaxdii kasoo qeyb gashay shirkaasi uu ka hor sheegay in  wax laga qabto dhibaatooyinka Soomaaliya ka heysta Kaluumeysiga sharci darradda ah.

“Aniga waxaa si gaar ah uga hadlay dhibaatooyinka naga heysta kaluumeysiga xad gudubka ah ee Soomaaliya lagu hayo, maadaama aan nahay dawlad tabar u heynin badda oo dhan in aan dhowrno, kaluumeysi fara badan ayaa Soomaaliya ka socdo oo sifooyin aan la ictiraafsaneyn loo isticmaalo waxaa ka mid ah guuxa maraakiibta faraha badan oo keenaya in Kaluunka uu dido, marka arrimahaasi siddii loo joojin lahaa ayaa ka hadlay” ayuu yiri Wasiir Dowlaha XafiIska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Madaxda kala duwan ee ka socday wadamada ku yaalla Galbeedka Badweynta Hindiya ee ka  qeyb galay shirkaasi, ayaa waxay  isla qaateen in dhexdooda ay yeeshaan wadashaqeyn wanaagsan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...