Duqa Muqdisho “Tartanka Cayaaraha Degmooyinka G/Banaadir waxay gacan ka geysanayaan Nabadda iyo is-dhexgalka bulshada’’

Date:

Muqdisho(SNTV): – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in qabsoomidda cayaaraha tartanka degmooyinka Gobolka Banaadir ee ka socda Stadium Koonis ay muujinayaan horumarka laga gaarey nabadda iyo is-dhexgalka bulshada Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay cayaar xiiso badan oo u dhaxeysay degmooyinka Kaaraan iyo Dayniile ayaa boggaadiyey sida habsamida leh ee ku socdo tartanku.

“Tartan Cayaareedkan xiisaha badan ee Degmooyinka Gobolka Banaadir wuxuu ka tarjumayaa qiimaha nabadda iyo is –dhexgalka bulshada. Waana astaan nabadeed oo bulshadu isku arkayso, maamulka Gobolka Banaadir na wuxuu dhiirigelinayaa garabna taagan yahay howshan quruxda badan ee farxadda gelinaysa shacabkeenna qiimaha badan”.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa kula dardaarmey cayaartoyda ka kala yimid degmooyinka kala duwan ee ka qeybgaleya tartanka inay dadaalkooda sii wadaan, isla markaana ay iyaguna ku howllan yihiin sidii dib loogu howlgelin lahaa Stadium Muqdisho oo dhowaan ay Ciidamadda Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee (AMISOM) dib ugu soo celiyeen gacanta Dawladda Soomaaliya.

Daawashada Cayaarta xiisaha badan ee dhex martay labada degmo ee Kaaraan iyo Dayniile oo ku dhammaatay 1-iyo-1 ayaa waxaa ka soo qeyb-galey masuuliyiin ka tirsan M/Mulka Gobolka Banaadir, Xiriirka kubada cagta Soomaaliya, dadweyne isaga kala yimid degmooyinka iyo mas’uuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...