Muqdisho (SNTV), Wasiiru Dowlaha XafiIska Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa ka qayb galay shirka 9aad ee Wasiirada Biiโada ee wadamada ku yaalla Galbeedka Badweynta Hindiya oo ka mid yihiin Soomaaliya , Kenya Tanzania Mozambique iyo Koofur Afrika, kaasi oo ka dhacay Magaaladda Mombasa ee dalka Kenya.
Shirkaan ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen haggaajinta Biiโadda ee dalalka dhaca galbeedka badweynta Hindiya, isbadalka hawada, Daryeelka isticmaalka baddaha iyo arrimo kale.
Wasiirka, ย ayaa sheegay in Soomaaliya shirkaan wixii ka dambeeyey burburkii dalka aysan ka qeyb gelin, maadaama dalka dhibaatooyin ay ka jireen, isaggoo xusay in hadda dawladda ay diyaar u tahay ย in hormuud ay ka noqoto shirarka noocaan oo kale.
Wasiiru Dowlaha XafiIska Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa tilmaamay in madaxdii kasoo qeyb gashay shirkaasi uu ka hor sheegay in ย wax laga qabto dhibaatooyinka Soomaaliya ka heysta Kaluumeysiga sharci darradda ah.
โAniga waxaa si gaar ah uga hadlay dhibaatooyinka naga heysta kaluumeysiga xad gudubka ah ee Soomaaliya lagu hayo, maadaama aan nahay dawlad tabar u heynin badda oo dhan in aan dhowrno, kaluumeysi fara badan ayaa Soomaaliya ka socdo oo sifooyin aan la ictiraafsaneyn loo isticmaalo waxaa ka mid ah guuxa maraakiibta faraha badan oo keenaya in Kaluunka uu dido, marka arrimahaasi siddii loo joojin lahaa ayaa ka hadlayโ ayuu yiri Wasiir Dowlaha XafiIska Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya.
Madaxda kala duwan ee ka socday wadamada ku yaalla Galbeedka Badweynta Hindiya ee kaย qeyb galay shirkaasi, ayaa waxay ย isla qaateen in dhexdooda ay yeeshaan wadashaqeyn wanaagsan.


