Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo oo looga hadlay Dardargelinta Amniga Caasimadda

Date:

Muqdisho (SNTV), Ogoosto 29, 2018–Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo oo guddoominayey Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa looga hadlay dardargelinta amniga Caasimadda, sidii kor loogu qaadi lahaa ololaha nadaafadda iyo bilic soo celinta iyo Canshuuraha.

Ugu horeyn, ayaa warbixinno la xiriira xaaladaha degmooyinka laga dhageystay qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyagoona ka hadlay xaaladda degmooyinkooda, islamarkaana tilmaamay in meel wanaagsan uu marayo daadajinta adeegyada iyo wada shaqeynta bulshada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo kulanka ka qeyb galay ayaa boggaadiyey isku duubnida dhinaca amniga ee shacabka iyo hay’adaha amniga, waxuuna tilmaamay ka sakow falalka kooban ee dhaca xiliyada qaar in amnigu soo hagaagayo.

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa kulanka ka sheegay in maamulkiisu uu mudnaanta siiyey sidii amni buuxa loogu heli lahaa Caasimadda, kaas oo horseed u yihiin guddoomiyeyaasha degmooyinka, Taliyeyaasha ciidamadda iyo shacabka oo iskaashanaya.

Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo ayaa intii uu socday waxuu Duqa Muqdisho warbixinno la xiriira Nadaafadda, bilicda iyo dakhliga, ka dhageystay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Ku-xigeennada Goddoomiyaha ee Arrimaha, Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, iyo Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...