Arbaco, August 29, 2018 Muqdisho (SNTV);-ย Ujeedada shirkaan wadatashiga ayaa ahaa siddii loo la xisaabtami lahaa hayโdaha NGO-yada Caalamiga ah ee mashaaracida horumarineedย ka fuliyo gudaha dalka, kuwaasi oo fadhiigooda yahay wadanka Kenya.
Dawladda Soomaaliya, ayaa heyโaddahaasi ku wargalisay in xarumahooda ay ka dhigtaan Soomaaliya, ayna shaqaaleysiiyaan muwadiniinta Soomaaliyeed, waxaana shirka si wadajir ah uu so qaban qaabiyey Wasaaradda Qorsheynta maalgashigaย iyo horumarinta dhaqaalaha iyo Hayโadda isu-taga ururadda aan Dowliga aheyn.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, maalgashigaย iyo horumarinta dhaqaalahaย XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo daah furay shrikaan, ayaa sheegay in loo baahan yahay siddii hayโaddaha caalamiga ah ay ula shaqeyn lahaayeen dawladda Soomaaliya, iyaggoo ku shaqeynayo gudaha dalka.
โsababta aan ula shirnay waxay tahay in aan uu sheegno in dawladda Soomaaliya ay rabto hayโadaha caalmiga ee mashaaricada ka shaqeeyo inay Soomaaliya joogaan, inay qortaan shaqaale Soomaaliyeed, canshuurtana ay bixiyaanโ ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta XFS.
Wasiirka, ย ayaa xusay in aysan la shaqeyn doonin hayโadaha ย xarumahooda aan aheyn gudaha dalka, ayna kala noqonayaan Ruqsada, isaggooย faray dhammaan hayโadaha caalamiga ah in sanadka cusub ay dhaqan galiyaan awaamirta la faray.
โwaa dhammaatay in hayโaddaha sanadka cusub dalka dibadiisa ay kusii shaqeeyaan, dawladda Soomaaliya lama shaqeyn doonto haddii dalka gudagiisa aysan ku shaqeyneynin, waxyna kala noqon doontaa ruqsada shaqadaโ ayuu yiri Wasii Jamaal.


