Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo Qabatay kulan looga hadlayay Dardar galinta howlaha horyaala

Date:

Muqdisho (SNTV) Kulankan ayaa looga hadlayay sidii loo dardarlin galin lahaa Shaqooyinka horyaala Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Hanaanka dib u Heshsiinta, Xaslinta, Doorashooyinka, Arrimaha gudaha iyo Federaalka iyo Fulinta Mashaariicyada, iyadoo kulanka uu daah furay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya.

Agaasimaha Maamulka iyo Shaqaalaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka XFS Nuur Axmed Diiriye ayaa sheegay in Ujeedada kulanka ay tahay wax iska weydiinta Howlaha horyaala Wasaaradda iyo Waxyaabihii u qabsoomay.

“Waa kulan howleed ku saabsan howlwadeena Wasaaradda inay isku arkaan loogana hadli doono waxqabadka Wasaaradda iyo Howlaha ay dooneyso inay hada qabato oo ka mid yihiin kuwa Federaalka, Dib u heshiisiinta, Doorashooyinka, barnaamijyada Odayaasha dhaqanka iyo howlo kale oo Wasaarada qabaneyso oo lagu falanqeynayo”.ayuu yiri Agaasimaha.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka sheegay kulanka in loo bahan yahay sidii loo fulin lahaa shaqooyinka iyo Waajibaadka Qaran ee horyaala Wasaaradda, wuxuuna soo jeediyay in la qiimeeyo sida lagu gaari karo Hadafyada ay hiigsaneyso Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...