Ciidamada Boliiska Soomaaliya oo la wareegay Amniga Garoonka Stadium Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV)- Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay gacan ku heynta garoonka Kubadda Cagta Stadium muqdisho.

Muddo waxa ay xarun u aheyd Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, waxaa dadaal dheer u gashay dowladda Soomaaliya si loogu soo celiyo gacanta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha si’ ay qeyb uga noqoto meelaha dadweynaha isugu yimaadan.

Garoonka ayaa ahaa garoonkii ugu weynaa Soomaaliya isagoo xilliyadii Nabadda Marti geliyay ciyaaro heer Caalami ah.

Dadweyne kala duwan oo isaga kala yimid qeybaha gobalka Benaadir, Saraakiil Ciidan, Wasiiro, Xildhibaano iyo Maamulka Gobalka Benaadir ayaa ka qeyb galay xafladda  Ku wareejinta masuuliyadda Amni ee Garoonka Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadda Ruwaanda oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo dhinacyada waxbarashada

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Jaamacadda Ruwaanda (University of...

TALIYAHA CIIDANKA XDS OO SHIR GUDDOOMIYAY SHIRKA SUBAXLAHA EE TALISKA GUUD EE CIIDANKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Liibiya, Mudane Cabdifataax...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar Casho Sharaf ugu Sameeyay Saxafiyiinta iyo Hobollada Qaranka Waaberi

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe),...