Ra’iisul Wasaare Khayre oo Shir-guddoomiyay Kulanka Dardar-gelinta Qorshaha Daabacaadda Shilin Soomaaliga Cusub

Date:

Muqdisho(SNTV): — Ra’iisul wasaaraha xukuummadda fereraalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir-guddomiyay kulan Muqdisho lagu qabtay oo looga hadlay dhaqaalaha dalka kaas oo ka qayb galeen xubna ka socda hay’ado caalami iyo dawladaha ay Soomaaliya bah-wadaagta yihiin.

kulanka ayaa ajandayaashiisa ugu waawayn waxaa kamid ahaa dardar-galinta qorshaha samaynta lacagta cusub ee shilin Soomaaliga ah, waxaana dhammaan dhinacyadii kasoo qayb galay kulanka ay isla garteen in dawladihii iyo hay’adihii ballan qaaday in ay dawladda ka taageerayaan dhaqaalaha lagu daabacayo lacagta oo dhan $41 milyan ay si dhaqsa ah u bixiyaan, maadaama ay Soomaaliya soo buuxisay shuruudihii laga doonayay si lacag loogu daabaco.

“Waxaa nalaku xiray shuruudo badan si lacagta cusub ee Soomaaliya loo soo daabaco, waana soo buuxinnay. Waxaa haray uun in dalkeenna lacagtiisii soo noqoto, waxa ayna u baahantahay lacag lagu daabaco laguna maamulo oo dhan $41 Milyan. Lacagtaas dawladdu ma bixin karto oo dawlado iyo hay’ado ayaa ballan qaaday in ay ku taageerayaan maadaama shuruudihii aan soo buuxinnay,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliyan, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka war bixiyay kulanka.

Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa caddeeyay in la qaban doono kulan kale oo ballaaran kaas oo looga hadlayo gebagabaynta qorshaha daabacaadda lacagta cusub, kadibna la hawl gelinayo shirkaddii lacagta daabici lahayd.

Qorshaha daabacaadda lacagta cusub ee Soomaaliya ah oo socday waqti dheer, shuruuda bandanna lagu xirnay ayaa qayb ka ah hannaanka dib u habaynta dhaqaalaha dalka iyo dardar-gelinta Barnaamijka xukuummadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...