Soomaaliya iyo Japan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Date:

Tokyo(SNTV): –  Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Salaad Xasan ayaa kula kulmay Magaalada Tokyo ee caasimadda Japan mas’uuliyiinta sare ee Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ee Japan “JICA”, isaga oo kala hadlay iskaashiga laba geesoodka si loo gaaro guullo wax ku ool ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyada oo loo marayo dib u taabagelinta heshiisyadii hore ee labada dal ay u kala saxiixdeen si loo sii ambaqaado wax wadaagga iskaashiga istiraatiijiga leh ee qaadaya tubta cusub.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS qoraal ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay soo dhoweyneyso shirkadaha Japan, waxa ayna siinaysaa fursado ay ku maalgeshtaan dhinacyo badan oo u adeegaya danaha wadaagga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...