R/wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Uk u qaabilsan Soomaaliya

Date:

Muqdisho(SNTV);- Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa la kulmay Safiirka Uk u qaabilsan Soomaaliya David William Concar,waxayna kullankooda uga hadleen xoojinta xiriirka Taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ingiriiska iyo horumarinta iskashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Safiirka  Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Mr. Concar   ayaa Dowladda Soomaaliya ku bogaadiyey horumaradda ay ka samaysay dhanka Dowladda wanaagga, la dagaalanka musuq maasuqa iyo Sugida amniga ,

Dhanaca kale, Ra’iisul wasaare Khayre ayaa xafiiskisa isla maanta kulan kula yeeshay xubno ka socday  Midowga Yurub,kaasi  oo looga hadlay  horumarinta iskaashiga ka dhaxeeya Midowga Yurub  iyo Soomaaliya  ee ku aadan  Dar-dar galinta mashaariicda horumarineed ee ay Soomaaliya ka wadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...