Hoggaamiyihii Daacish oo Afghanistan lagu dilay

Date:

Dowladda Afghanistan ayaa sheegtay in la dilay hoggaamiyihii kooxda Daacish kaddib duqeyn dhinaca cirka ah oo laga fuliyey xadka ay wadaagaan waddamada Afghanistan iyo Pakistan.

Laammaha amniga Afghanistan ayaa xaqiiyey in duqeynta ay ka dhacday  halka lagu magacaabo Nangarhar, halkaas oo ay ku dhinteen Abuu Sacad Irhaabi oo ay la socdeen rag  lagu qiyaasay tobaneeyo xubnood oo Daacish ah.

Masuuliyiinta gobolka Attaullah Khogyani ayaa warfidiyeennada u xaqiiyey geerida Irhaabi.

Saraakiisha Mareykanka ee ku sugan Afghanistan ayaa sheegaya in diyaaradahooda ay fuliyeen weerar xagga cirka ah oo lagu bartimaameedsanayey xubno Daacish ka tirsan.

Bishii July diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones ayaa Gantaal la dhacay oo ku dilay  Abu Sayed oo ahaa hoggaamiyihii IS ee dalka Afghanistan, horjoogihii afaaraad ee duqeyn lagu dilay ayuu noqonayaa Irhaabi, kana soo jeeda dalka Afghanistan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Muungaab “Si loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.”

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari...

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...