Muqdisho(SNTV):–Munaasabad ka dhacday maanta xarunta Guddiga Doorashada ayaa 7 xisbi siyaasadeed shahaadada diiwaan gelinta ku meel gaarka ah lagu guddoonsiiyay.
Xisbiyadan oo soo buuxiyey shuruudaha diiwaan gelinta KMG ah ee ku cad xeerarka iyo hab-raacyada diiwaan gelinta xisbiyada Siyaasadda ayaa waxay ku biirayaan 15 xisbi oo horay loo diiwaan geliyay.
Xisbiyada maanta sida KMG ah loo diiwaa geliyay ayaa kala ah:-
1. Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed
2. Xisbiga Xorriyadda Soomaaliyeed
3. Xisbiga Muwaadiniinta Soomaaliyeed
4. Xisbiga Midnimo Qaran
5. Xisbiga Dalka iyo Dadka
6. Xisbiga Isbaheysiga Isbedeldoonka Soomaaliyeed ee XIIS
7. Xisbiga Ileys