Gabar Soomaaliyeed oo 10-sano jir ah oo u dhimatay dhaawac ka soo gaaray gudniin lagu sameeyay.

Date:

ISNIIN, August 27, 2018, Muqdisho(SNTV);- Sida ay qortay Arabnews.com gabadhan ayaa udhaimatay dhiig bax ku yimid kadib markii lagu sameeyay gudniinka, sida uu sheegay mid kamid ah dadka u doodayay gabadha.

Arab news ayaa qortay in gabadha ay geeriyootay gudaha cusbitaalka labo cesho kadib markii ay hooyadeed u qaaday mid kamid meelaha lagu sameeyo gudniin dhaqameedka meel tuulo ah oo ka baxsan degmada Dhuusomareeb ee xarunta maamul gobolleedka Galmudug, sida ay sheegtay Xaawo Mohamed Aden oo ka shaqeeysa xarunta Nabadda iyo Horumarinta gudaha magaalada Gaalkacyo islamarkaana soo saartay bayaan.

“Waxaa la tuhmayaa in qofkii ku sameeyay gudniin dhaqameedka uu jaray xidid muhiim ah intii ay socotay howsha gudniinka,” sida ay sheegtay Xaawa Maxamed.

Sagaal iyo sagaashan boqolkiiba haweenka iyo gabdhaha kunool dalalka kuyaala geeska Afrika ayaa mara gudniinka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Dastuurka Soomaaliya ayaa mamnuucaya ku dhaqanka gudniinka fircooniga, mana jiro wax sharci ah oo xaqiijin kara ciqaabta kuwa sameeya gudniinka noocaasi ah, sidaasi waxaa sheegtay Xaawa Maxamed.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa ka digay khataraha ka dhalankara nooca gudniinkani kaasi oo lagu sameeyo inta ugu badan xubnaha geed tarameedka gabdhaha iyadoo la tolayo iyadoo ugu badnaan afkiisa hore lagu xirayo tolliinka.

Kasukow ololaha ka dhanka ah nooca gudniinkani gudaha Soomaaliya “waa mid ay qarisay daruur ama qarsoodi ah, sidaa darteed in la yareeyo gudniinkani waxa waaye mid lagala kulmayo hardan culus,” sidaasi waxaa tiri Brendan Wynne oo ka tirsan Hay’ad udooda iskuxirka dadka u dooda haweenka dacalada dunida fadhigeeduna yahay magaalada Newyork ee dalka Mareykanka.

In kabadan 200 milyan oo haween iyo gabdho isagu jira ah oo kunool 30-dal saddex khaaradood oo caalamka ah ayaa mara nooca gudniinkani ee fircooniga ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa horaantii sanadkani sheegay arintai isagoo ku baaqay “ in la joojiyo xadgudubka aanan wanaagsanayn in lagula kaco xuquuqda Aadanaha gaar ahaan tan haweenka iyo gabdhaha.”

Sanduuqa mashruuca dadweynaha ee Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaasay 3.9 milyan oo gabdho ahi lagu sameeyo jariinka xubnaha geed tarameedka xiliga lagudayo taasi oo usii kacaysa sanadkasta 4.6 milyan, iyadoo marka la gaaro 2030 la filayo in ay wax udhinto koritaanka dadyoowga illaa laga qaado tallaabo kadhan ah arrintani.

Sida aad uxaqiijiso xigashada fadlan riix link-gan hoose:-

http://www.arabnews.com/node/1342246/world

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Abshirow oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada ah.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud,...

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay heshiisyo lala galay dowladdo..

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii...