Dad lagu toogtay Magaaladda Florida ee dalka Mareykanka

Date:

Booliska dalka Mareykanka waxaa ay shegeen in nin ka qeyb-galayay tartanka ciyaaraha Komputarka ee magaalada Jacksonville ee gobolka Florida uu toogtay labo qof, afar iyo toban kale uu dhaawacay.

ninka looga shakisan yahay in u ka danbeyay weerarka ayaa lagu soo warmaya in u  dhintay waxaanna magaciisa lagu sheegay David Katz.

Toogashada ayaa ka dhacday dhismo caan ku ah madadaallada oo ku yaal jiinka webi mara bartamaha magaalada Jacksonville.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ninka weerarka geystay uu ka carooday qaabka ay u socotay ciyaar video ah oo computerka lagu dheelo.

Toogashada ayaa dhacday xilli internet-ka toos looga daawanayay daamaashaad meesha ka socday, waxaana la maqlayay rasaasta iyo dad qeylinaya.

Duqa magaalada Jacksonville, Lenny Curry, ayaa toogashada ka dib warbaahinta u sheegay in magaalada ay la murugooneyso toogashada dhacday.

Weerarro badan o noocaan ah ayaa sanadihii dambe ka dhacay gobolka Florida.

Horraantii sanadkan ayay ahayd markii wiil 19 jir ah uu rasaas ku furay iskuul uu dhigan jiray oo ku yaal magaalada Parkland, halkaasi oo uu ku dilay 17 arday iyo qof shaqaale ka ahaa iskuulka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...