Shir Arrimaha Socdaalka ku saabsan oo Muqdisho ka furmay

Date:

Muqdisho(SNTV): โ€“ย Heyโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay shir looga hadlayo wada shaqeynta heyโ€™addaha ka howlgalaย albaabada Dalka laga soo galo ama looga baxo sida; Xuduudaha dhulka, Garoomada diyaaradaha iyo Dekadaha.

Shirka oo furitaankiisa goob joog ay ka ahaayeen masโ€™uuliyiin kala duwan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa sida ugu muhiimsan ee lagu adkeyn karo xiriirka wada shaqeyneyd ee ka dhaxeeya dhammaan heyโ€™adaha ka howlgala meelaha wadanka laga soo galo.

Agaasimaha Heyโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, gaashaanle sare Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegay in u jeedka kulanka ay tahay helitaanka iskaashi buuxa oo dhex mara dhammaan laamaha howshoodu tahay albaabada dalkaย  laga soo galo ama looga baxo.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir, Taliyaha Ciidanka booliiska Soomaaliya, sareeyo gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga, Mudane Maxamuud Maxamed Boonow iyo masโ€™uuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...