Gabadhii Soomaaliyeed ee ugu horaysay oo loo xiray Darajada Sarreeye Guuto

Date:

Muqdisho(SNTV): — Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudne Xasan Cali khayre oo wakiil ka ah madaxweynaha jamhuuriyadda, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa darajada Sarreeye Guuto u xiray Zakiya Xuseen Axmed oo noqotay gabadhii ugu horreysay ee darajadaas ka gaarta ciidanka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan dib u dhiska dalka, isaga oo sheegay in waqti dheer ay dadaal ugu jireen horumarinta qarannimada dalka, muhiimna ay tahay in loo qiro, si guusha qarannimada loo xaqiijiyo.

“Qaran quulaysanaya ma jiro haddii aan qayb waliba oo bulshada kamid ah xuquuqdeeda la siinin. Haddii gabdhaha Soomaaliyeed ay bulshada ka yihiin boqolkiiba konton oo aan duudsiinno xuquuqdooda, ma dhisi karayno Soomaaliya la tartami karta waddamada deriska ah”, ayuu yiri ra’iisul wasare Xasan Cali Khayre.

“Gabar walba oo Soomaaliyeed waxa aan leeyahay haku fekerina in aad noqotaan gabdho garaadda qaata, ee noqda madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaarayaasha soo socda”, ayuu ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa raaciyay.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale darajooyin u xiray saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliyeed oo tababarro ku qaatay gudaha iyo dibadda dalka si ay qayb uga qaataan dardar gelinta dadaallada adkaynta amniga dalka.

Agoosto 16, 2018 ayaa Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu darajada Sarreeeye Guuto u dallacsiiyay Zakiya Xuseen Axmed una magacaabay taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliyeed, iyada oo noqotay gabadhii ee ugu horreysay ee derejadaas ka gaarta ciidamada ammaanka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka...

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...