koox ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab oo lagu khaarajiyey Gobolka Baay

Date:

Muqdisho August 25 (SNTV):– Howlgalka lagu khaarajiyey Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa ka dambeeyey kadib markii maleeshiyaadkaasi ay weerar kusoo qaadeen deegaanka Daynuunaay oo katirsan gobolka Baay, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidanka Xoogga Dalka.

Wariyaheena magaalada Baydhabo Siraaji Sheekh Isxaaq oo lahadlay  Gaashaanle Sare Ismaaciil Khaliif Shire oo ah Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka ee qeybta 60-aad ayaa sheegay in ay ciidanku toogteen afar kamid ah maleeshiyaadkaasi, iyagoo sidoo kale gacanta ku dhigay hub  ay wateen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Deegaanka Deynuunaay oo 18-km dhinaca Bari kaga beegan magaalada Baydhaba ayaa hadda laga dareemayaa xaalad degenaasho ah, waxaana deegaanka ku sugan ciidanka Xoogga Dalka oo markii horeba gacanta ku hayey magaalada.

Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa dhowr mar ku hungoobay weeraro ay doonayeen iney la bartilmaameedsadaan ciidanka xoogga dalka, taasi badalkeedana waxey la kulmayeen jab iyo baaba’ xoogan oo ciidanka Qaranku ay u geysanayeen maleeshiyaadkaasi.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...