Alshabaab oo sixirooleyaashooda soo ban bixiyay

Date:

Maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab ayaa dadka ku nool deegaannada ay haystaan u soo bandhigay wax ay ugu yeereen dabbaal degyo ciidda lagu soo beegay.

Degmada Saakow oo ka mid ah gobolka Jubbada dhexe, ayay maleeshiyadu meel fagaare ah isugu soo bixisay carruurta iyo haweenka halkaas ku dhaqan ee ay xoogga ku haystaan, waxayna u soo bandhigeen,maleeshiyadooda oo raashin cunaya isla markaana jir dhis sameynaya.

Waxyaabihii kooxdu soo bandhigtay waxaa ka mid ahaa niman sixirooleyaal ah, oo kooxdu adegsato, kuwaas oo soo bandhigay waxyaabo indho sarcaad ah.

Sixirooleyaasha oo u labisnaa si aad fool xun, ayaa la qariyay wajiyadooda, si aan loo garan.

Sixirka ayaa ka mid ah tabaha ay adeegsato kooxdan Islaamka ka been sheegta, si ay maanka uga xaddo da’ yarta iyo dadka aan garaadkooda iyo aqoontoodu ku filnayn.

Sixirku waxa uu ka mid yahay arrimaha ay Shareecada Islaamku xaaraantinimeysay, hase yeeshee maleeshiyada Alshabaab ee xag-jirka ah, ayaa ku dhaqanta wax kasta oo Shareecada Islaamku reebtay sida daadinta dhiigga muslimiinta, dhaca xoolahooda iyo ku xad-gudubka karaamadooda iyo diintooda.

Alshabaab, ayaa adeegsata  hal ku dhagga ah: “Si aad ujeeddadaada u gaarto, samee wax kasta una adeegso wax kasta”.

Sidaas ayuuna sixirka, dilka muslimiinta, xitaa haddii ay masaajid ku jiraan, dhaca xoolahooda iyo ku xad-gudubka karaamadoodu uga mid yihiin hababka ama wasiilooyinka ay u maraan gaarista hadafkooda oo ah in ay awood iyo dhaqaale helaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...