Shir looga hadlayay diyaarinta hannaanka dib u heshiisinta qaranka oo muqdisho lagu soo gabagabeeyay

Date:

Muqdisho(SNTV);- Si  loo helo hannaan dib u Heshiishiin Qaran ayaa Wasaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiishinta Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay shir u qabatay ururada Bulshada rayidka si fikradahooda loogu biirayo daraasaad lagu doonayo in lagu dajiyo wadadii loo mari lahaa hanaaanka dib u heshiishiinta Qaran.

Ku simaha wasiirka ahna Wasiiro dowlaha wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdullaahi Faarax Wehliye oo furay waxaa uu sheegay in bulshadda rayidku ay laf dhabar u yihiin diyaarinta hannaanka dib u heshiisiinta qaran.

Wasiiro ku dowlaha ayaa intaa ku daray  in bisha december ugu dambeyn la soo gabagabeyn doono wadatashiyada lana soo saarii doono hannaan qaran oo loo maro dib u heshiisiinta iyada oo la tashiyo lagala sameynayo doono bulshada ku nool deeganada dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir

Hinda Axmed  Farax iyo Cabdullaahi Maxmed shirwac oo kamid ah ururada Bulshada Rayidka ayaa isku raacay in aaraahda dad weynaha la tixgaliyo lana Xaliyo Khilaafaadka yar yar ee jira  si loo helo is aaminaad dhab ah.

Wasaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo dib u Hishiishiinta Dowladda Soomaaliya ayaa waxay Qorsheysay in Hindisaha Diyaarinta Hannaan Dib u Heshiishiinta Qaranka la soo Gabagabeeyo bisha December ee sanadkaan, iyadoona kadib la qaban doono shirweyne Qaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka Daahfurtay Qaybta 1-aad ee Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad...