Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo cambaareyey falalka lagu bartilmaamsado shaqaalaha gargaarka

Date:

Muqdisho(SNTV);-ย Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobey in ay kaalinteeda ka qaadato qorsheyaasha dib u dajinta loogu sameynayo barakacayaasha ku dhaqan Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa hadal jeedintiisa ku aaddanayd Maalinta Caalamiga ah ee Gargaarka Baniโ€™aadannimo waxa uu kaga warbixiyey dadaallada joogtada ah ee Maamulka Gobolku uu ugu jiro xallinta dhibaatooyinka Baniโ€™aadannimo ee ay la nool yihiin barakacaayasha ku dhaqan Gobolka Banaadir.

โ€œGobolka Banaadir waxaa ku nool in ka badan 500,000 oo barakacayaal ah, waana deegaanka ugu badan Soomaaliya ee barakacayaal ay ku nool yihiin. Marti gelinta tirada intaas le eg waxa ay u baahantahay dadaal joogta ah iyo wada shaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Hayโ€™adaha Gargaarka Caalamiga ah, Dawladda Dhexe iyo Maamulka Gobolka.โ€

Eng.Yarisow ayaa cambaareyey falalka lagu bartilmaamsado shaqaalaha gargaarka, maadama ay wakhtigooda iyo nolashoodaba u hibeeyeen gurmadka dadka dhibaateysan.

Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu siidaayo kalkaaliso Sonja Nientiet oo bartamaha sannadkan ay koox hubaysan ku afduubatay magaalada Muqdisho, iyadoo ku howllaneyd u adeegidda dadka dhibaateysan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ayaa uga mahad celiyey dhammaan howlwadeennada arrimaha gargaarka ee ku soo dhiirraday in ay dadka Soomaaliyeed wax u qabtaan xilliyadii adkaa ee dalku soo maray.

Munaasabadda lagu qabtay magaalada Muqdisho ee lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Baniโ€™aadaminimada waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Saciid Xamsa, Isuduwaha Hawlaha Baniโ€™aadamnimada Qaramada Midoobey Mudane Peter de Clercq, Madaxa Hayโ€™adda Qaxootiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Caroline Van Buren, saraakiil ka tirsan Hayโ€™adaha Qaramada Midoobey, Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...