Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Qaabilay Agaasimaha Arrimaha Haweenka Ee Qaramada Midoobay

Date:

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay agaasimaha arrimaha haweenka ee qaramada midoobay, Phumzile Mlambo-Ngcuka, oo markii ugu horaysay socdaal ku timid dalka Soomaaliya kadib casuumaad ay ka heshay wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka XFS.

Ra’iisul Wasaara Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay in dawladda federaalka Soomaaliya ay heer wanaagsan kasoo gaarsiisay matalaadda haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin siyaasadda, waxa uuna ballan qaaday in ay sii wadayaan dadaallada lagu garab istaaagayo haweenka, isaga oo ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed dawrkii ay ku lahaayeen badbaadinta qaranka iyo bulshada xilligii burburka.

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka Deeqo Yaasiin Xaaji Yuusuf oo kulanka qayb ka ahayd ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Phumzile Mlambo-Ngcuka ay si qota dheer uga hadleen arrimha haweenka Soomaaliyeed, ka qayb galinta haweenka arrimmaha siyaasadda iyo horumarinta dalka, xooojinta taageerada dawrka haweenka iyo sidoo kale sidii ay u wada shaqayn buuxda u yeelan lahaayeen hay’adda haweenka u qaabishan Qaramada midoobay iyo wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya.

Phumzile Mlambo-Ngcuka ayaa hoggaanka dawladda federaalka Soomaaliya ku ammaantay garab istaaga haweenka iyo ka qayb gelintooda siyaasadda iyo guud ahaan dadaallada horumarinta dalka, waxa ayna dhanka kale ballan qaaday in ay hay’addoodu si dhaw ula shaqaynayso wasaaradda haweenka si loo dar-dar geliyo horumarinta arrimaha haweenka.

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh gelisay sidii haweenka Soomaaliyeed ay si buuxda qayb qaadan lahaayeen siyaasadda dalka, horumarinta amniga, iyo dadaallada dib loogu dhisayo dalka si loo celiyo sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed ay ku lahayd dunida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...