Madaxweynaha Soomaaliya oo u hambalyeeyay Imran Khan 

Date:

Muqdisho (SNTV)-  “Waxaan u hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Pakistani  Imran Khan   guushiis maanta. Pakistan waa dal  dimoqraadii ah oo fulin kara kartida weyn ee faa’iidada dadka. Soomaaliya waxay si dhow ula shaqeyn doontaa dowladda Pakistan dhammaan dhinacyada kala duwan ee wax is dhaafsiga leh”. ayuu yiri Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Maxammed Farmaajo.

Imran Khan ayaa hugaaminayay kooxd   Kiriket (cricket) ah oo dalkiisa u ciyaareysay ciyaarihii Adduunka sanadii 1992, wixii xilliaas ka dambeeyay ayuu dadaal ugu jiray sidii uu siyaasadda ugu biiri lahaa, waxa uuna 1996 ku biiray siyaaasadda.

In ka badan Labaatan sano ayuu u halgamayay sidii uu  u noqon lahaa Ra’isul Wasaaraha dalkiisa balse nasiib wanaag waa uu gaaray dadaalkiisa kadib doorashadii ka dhacday Pkistan.

Khan ayaa noqon doono Ra’isul Wasaarihii laba iyo labaatanaad (22) ee dalkiisa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...