Dowladda Soomaaliya oo diyaarineysa Hanaanka dib u Heshiisiinta Qaranka

Date:

Muqdisho (SNTV)- Shirka wadatashiga Diyaarinta Hanaanka Qaran ee dib u Heshiisiinta ayaa diirada lagu saaraya sidii loo heli lahaa qabya qoraalka siyaasadda qaran ee dib u heshiisiinta dalka.
Waxaa ka qeyb galaya qeybtiisa maanta oo uu furay ku simaha wasiirka ahna wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha  Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda Soomaaliya  Mudane Cabdulaahi Faarax Wehliye,  waxaa ka qeyb galaya madax ka socota hey’adaha dowladda Federaalka.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisinta Soomaaliya Cabdulaahi Maxamuud Xasan ( Azhari) waxa uu sheegay in wadatashiyada Hanaanka qaran ee dib u heshiisiinta inuu soo maray marxalada kala duwan wasaaraduna uu ku han weyntahay inuu noqdo mid mira dhala, lana gaaro dib u heshiisiinta iyo iscafin waarta .

ku simaha wasiirka ahna wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha  Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda federaalka Mudane Cabdulaahi Faarax Wehliye oo furay  kulanka waxaa uu tilmaamay muhiimada shirkani furmay uu yahay in la helo hanaan sal adag leh oo lagu wajaho dib u heshiisiinta dalka.

Wasiir Wehliye ayaa intaa ku daray in Wasaaradda Arimaha Gudaha ay ku go’an tahay hogaaminta dib u heshiisiinta waarta.

Madaxda hey’adaha dowladda ka socda oo ka hadlay madasha shirka ayaa bogaadiyay wadatashiga wasaaaradda Arimaha Gudaha ee la sameynaysa dhammaan dhinacyada muhiimka u ah diyaarinta hannaanka qaran ee dib u heshiisnta, Shirkan ayaa soconaya laba maalmood iyada oo maalinka berrita ah  qeybtiisa labaad latashi lala sameyn doono ururada bulshada rayidka oo laf dhabar u ah geed u socodka hannaanka dib u heshiisiinta qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Ku-simaha Safiirka Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray fariisimada Ciidanka Xoogga ay ku leeyihiin ee magaalada Beledweyne

Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo xaqiijiyey hawgalo lagu dilay horjoogeyaal khatar badnaa

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalim...