Abiy Axmed oo sheegay inuu wax ka qaban doono xiisadaha ka taagan qaybo ka mid ah Itoobiya

Date:

Addis ababa-(SNTV)-Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali, ayaa ku hanjabay inuu Gacan bir ah ku qaban doono xaaladaha amni darro ee ka taagan qaybo ka mid ah Dalkaasi, markii ay dhawaan hay’adaha u dooda xuquuqul Insaanka u soo jeediyeen inuu wax ka qabto qul-qulatooyinka jira.

Maria Burnett, oo ah Agaasimaha hay’adda u doodda xuquql Insaanka (HRW)  ee Bariga Afrika, ayaa sheegtay in dilalka Qowmiyadaha, gaar ahaan is ugaarsiga ka dhexeeya Soomaalida iyo Oromadu in ay ku beertay walaac aad u weyn.

War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in marxaladdan ay ku hayso walaac xooggan, wuxuuna ballan qaadan Abiy Axmed, inuu samayn doono dib u habayn xagga ammaanka ah.

Human Rights Watch, ayaa faah-faahin ka bixisay rabshadihii u dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Jig-jiga, halkaas oo lagu dilay Dad Shacab ah, laguna boobay hanti, iyadoo Deb la qabadsiiyay Macbadyo iyo goobo kale, taasoo sabab u ahayd markii ay Ciidamada Federaalku xoog ku galeen xarumahii Dowlad degaanka.

Tallaabadaas ayaa ka caraysiisay Ciidanka Liyuu Boolis oo daacad u ah Madaxweynihii hore ee DDSI, iyo Bar-baarta Heego, oo ah Dhallin yaro taabacsan Cabdi Maxamuud Cumar, kaas oo haatan ku jira Xabsi ku yaalla Addis ababa.

Hay’adda ayaa sidoo kale ka hadashay rabshado ka dhacay Magaalada Dire-dhaba oo ay ku dhinteen 15 Qof oo Soomaali ah iyo dilal ka dhacay Shashabane, Tabe, Adama iyo degaanno kale, kuwaasoo intooda badan dhacay Bishan Augost.

Dhinaca kale, waxaa haatan yaraaday xasaradihii ka dhex aloosnayd Soomaalida Itoobiya iyo Oromada, waxaana imminka billoowday in Kumanaan Qof oo kasoo cararay rabshadaha kuna sugnaa Waqooyiga Soomaaliya iyo jabuuti ay dib ugu laabtaan degaannadoodii hore.

Isha/ Agencies

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...