Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal

Date:

Muqdisho Khamiis August 16 (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah oo labo cisho qaadaneysa ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jabuuti ayaa qasriga madaxtooyada dalkaas wadahadallo kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsaday xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, kor u qaadista iskaashiga ku aaddan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan qadiyadaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Axmed Cabdi ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu bogaadiyey garab istaagga joogtada ah ee Madaxda iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee uu dalku soo maray.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti kaalintii uu ka geystay nabadeynta iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya. Sidoo kale, Dowladda Jabuuti waxa ay uga mahad-celisay Soomaaliya kaalinta ay ka qaadatay halgankii xorrnimo-doonka dalkaas.” Ayuu yiri Wasiirku.

Diblumaasiyiinta Soomaaliya ee qeybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa kulammo la yeeshay dhiggooda dalka Jabuuti, iyagoona isla meel dhigay sidii loo sii amba-qaadi lahaa heshiisyada hore ay u kala saxiixdeen labada dal.

Madaxweynaha waxaa booqashadan ku weheliya, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdulqaadir Axmed Cabdi iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...