Madaxweynaha Jamhuuriyada oo kulan la qaatay Guddiga Dhaqaalaha Qaranka

Date:

Muqdisho Arbaca August 15 (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay dhaqaaleyahannada Soomaaliyeed ee xubnaha ka ah Guddiga Dhaqaalaha Qaranka, ayaa kala hadlay qorsheyaasha guud ee lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guddigan ay hortaallo masuuliyad culus, lagana sugayo in aqoontooda iyo khibraddooda ay ugu faa’iideeyaan kor-u-qaadista iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, iyaddoo la diyaarinayo siyaasadda dhaqaalaha qaranka iyo qorsheyaal ku qotoma horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga khayraadka dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladdu ku kalsoon tahay in xubnaha Guddigani ay ka soo dhalaali doonaan shaqooyinka loo igmaday, maadaama lagu soo xulay aqoonta iyo khibradda ay u leeyihiin dhaqaalaha, Dowladduna ay mudnaanta siineyso talooyinka iyo qorsheyaasha ay soo diyaarinayaan ee la xiriira kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Xubnaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa uga mahadceliyey soo dhaweynta iyo dhiirrigelinta uu u sameeyay.

Dhaqaaleyahannadan ayaa ballanqaaday in ay dadaal dheer ku bixin doonaan sidii ay cilmi-baaris iyo xog ururin uga sameyn lahaayeen dhaqaalaha dalka, una soo gudbin lahaayeen talooyin wax-ku-ool ah oo kor u qaadaya ganacsiga iyo heerka nolasha shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka in ay u kuur galaan ganacsiga iyo fursadaha shaqo ee ka jira dalka, mudnaan gaar ahna ay siiyaan dadka danyarta ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...