Guddoomyaha Gobolka Banaadir oo shaqada ka joojiyey saraakiill lagu eedeeyey musuq-maasuq

Date:

Muqdisho Arbaca August 15 (SNTV):-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa soo saaray wareegto uu shaqada kaga joojiyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar (Minishiibiyo) oo lagu soo eedeeyey masuq-maasuq.

Guddoomiyaha oo tix-raacaya soo jeedinta Agaasimaha Waaxda Maamulka Dhulka Dawladda Hoose ee Xamar ayaa u gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Qaranka waraaqda shaqo joojinta saraakiishan, isagoona ka codsaday in baaritaan furan lagu sameeyo eedaymaha loo soo jeediyey saraakiishan oo ay ka mid tahay in ay lacago sharci darro ah ka qaateen qaar ka mid ah bulshada Gobolka Banaadir.

Saraakiisha shaqo joojinta lagu sameeyey ayaa kala ah, Taliyeyaasha Ciidanka Illaalada Deegaanka ee degmooyinka Hodan, Warta-Nabadda iyo Shibis, iyadoona Maamulka Gobolka ay u sii igmadeen shaqada ay hayeen saraakiisha shaqada laga joojiyey Kuxigeennadooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ka go’an tahay la dagaallanka Musuq maasuqa, waxaana horrey tallaabooyinka sharciga waafaqsan looga qaaday masuuliyiin iyo shaqaale ka tirsanaa maamulka Gobolka oo lagu helay masuq-maasuq iyo wax is-daba-marin.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Muqdisho ka furay Shirka Garsoorayaasha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed,...

Wasiirka Hawlaha Guud ee DFS oo Nairobi kula kulmay dhiggiisa Kenya. 

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Haweenka oo Golaha Aqalka Sare ka hor jeedisay muhiimadda Guddiga Xuquuqul Insaanka.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...