Ra’iisul Wasaare Khayre oo Abwaannada ugu Baaqay Ka qayb qaadashada Qorshaha dib U Dhiska Dalka

Date:

Muqdisho Tallaado August 14 (SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo abwaannada Soomaaliyeed kula hadlay xarunta Akadeemiyada afka Soomaaliga ayaa sheegay in abwaannadu ay muhiim u yihiin wacyi-gelinta bulshada, nabadda, xasiloonida, dib u dhiska dalka iyo soo celinta karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka codsaday abwaannadda Soomaaliyeed in ay runta u sheegaan kuwa doonaya in ay qarankeenna dumiyaan si aanan aduunyada uga harin maadaama la joogo xilligii suugaanta loo adeegsan lahaa dib u soo kabashada dalka, isaga oo tilmaamay in hadii aan abwaannada la siin dawrkooda uusan dalku horumar gaari karin, sidaas oo kalana hadii abwaannadu aysan u istaagin jihaynta dalka, la dagaalanka musuqa, qabyaaladda, in ay adkaanayso in dalku uu gaaro horumar la taaban karo.

“Waxaan aan idiin sheegayaa aniga iyo madaxweynahaba in aan aqoonsannahay dawrka aad ku leedihiin bulshada, hadii aan laydiin siin dawrkiinna waa ay adkaanaysaa in dalka dib loo dhiso. Waxaan rabaa in hadafka dawladda iyo kiinnuba uu ahaado in aan soo celinno waqtigii suugaanta lagu dhisi jiray dawladnimada, waxaan rabaaa in aan bilaawno in suugaanta aan u isticmaalno in lagu wacyi geliyo shacabka si quluubtooda loogu dhiso, lagu taageero nabadda iyo xasiloonida, si loo soo celiyo qabkii iyo karaamadii ummadda Soomaaliyeed, lagula dagaalo qabyaaladda, colaadaha, dhismaha dawladnimada iyo dib u heshiisiinta, laguna kala sooco xaqa iyo baadilka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaara Xasan Cali Khayre.

“In halkaan ay fadhiyaan dhallinyaro badan oo sii wadi doona shaqadii aad xilliga dheer soo waddeen waa wax dawladnimada farxad gelinaya. Horumar ma sameynayo waddan aanan abwaanintiisu horumuud u aheyn, jihaadka safka hore uga jirin, bilaabin sidii dalka dib loogu jihayn lahaa, aan dadka u sheegin in la kala garto samaha iyo xumaanta”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u sheegay Abwaannada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in loo baahanyahay dad Soomaaliyeed oo si dhab ah uga qayb qaata dib u dhiska dalka, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya mustaqbalka ay aduunyada kale waxbrasho iyo caafimaad u soo doonan doonto, hadii abwaannadu ay u istaagaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...