DEG DEG: Wasiirka Arrimaha Dibedda Eritrea oo Muqdisho soo gaaray

Date:

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha Dibedda Eritrea Osman Salah iyo La taliyaha madaxweynaha dalkaas Mr. Gebreabย  ayaa goor dhow Muqdisho ka soo dagay.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Ra’iisul wasaaraha dalka mudane Xasan Caliย  Khayre oo uu wehliyoย  wasiirka Arrimaha Dibeddaย  Axmed Ciise Cawad.

Wafdiganย  ka socda Dalka Eritrea ayaa la kulmi doonna madaxda dalka.

Dhowaan madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Eritrea, taas oo ahayd booqashadii ugu horreysay oo madaxweyne Soomaaliyeed ku tago dalkaas tan iyo intii uu xor noqday.

Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Eritrea Essias Efwarki, ayaa ku heshiiyay arrimo ay ka mid ahaayeen in labada dal yeeshaan xiriir diblomaasiyaadeed iyo in la iska kaashado xasilloonida gobolka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...